Angel Di Maria oo aqbalay in uu heshiis cusub u saxiixo PSG.

Kooxda reer France ee PSG ayaa aad ugu dhaw inay heshiis cusub ku abaal mariso laacibkeeda Angel Di Maria.

Qandaraaska Angel Di Maria ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareedkaan sida ay baahisay France Football, kooxda ayaana niyada ku haysa inay ka saxiixdo heshiis cusub.

Heshiiska cusub ee laga saxiixayo Angel Di Maria ayaa ah mid labo sano ah kaas oo gaaraya ilaa 2021, maadaama laacibku uusan wax niyad ah u haynin inuu ka tago caasimada Faransiiska.

Xaaska Angel Di Maria ayaa aad ula dhacsan nolosha Paris, waana sabab kale oo ka qayb qaadanaysa in laacibku uu saxiixo heshiiskaan cusub.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Ciidanka dowladda oo qof Rayid ah ku dilay Muqdisho

Read Next

Ivan Rakitic oo ku dhaw inu ku biiro PSG.