Ciidanka dowladda oo Al-shabaab kala wareegay Magaalada Marka

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay qeyb ka mid ah Magaalada Marka oo ay maamulayeen labadii sano ee la soo dhaafay.

Ciidamada la wareegay Marka waxaa hoggaaminaya Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Cabudllahi Cali Caanood oo dhawaan xilka qaadis lagu sameeyay hayeeshee aan xilka wareejin ilaa hadda.

Ciidamada la wareegay Magaalada Marka ayaa qabsaday Xarumaha Maamulka,Saldhigga Booliska iyo Laanta Bangiga dhexe ee Magaalada.

Xasan Cumar Macallin Guddoomiyaha Magalaada Marka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada ay u gudbeen dhinaca Xeebta islamarkaana meelaha qaar Bambooyin looga soo tuuray.

Waxaa uu Dowladda Federaalka ah ugu baaqay in Ciidamada maanta qabsaday Magaalada Marka aysan dib uga saarin.

Magaalada waxa ay u kala qeybsaneyd saddex qeybood,qeyb waxaa maamula Ciidamada AMISOM,qeyb waxaa maamulayay Al-shabaab halka qeybta saddexaad ay isku hor fadhiyeen Malleeshiyo Beeleed sanadihii la soo dhaafay ku dagaallamayay Magaalada.

Al-shabaab ayaa la wareegay qeybta maanta dib looga qabsaday Bishii August ee Sanadkii 2016kii,waxaana ay maamulayeen tan iyo xilligaas.

 

Mustaqbal media

Read Previous

SNA forces recaptured Marka Town from Al-shabab

Read Next

HORDHACA: Brighton Vs Man United + Xaqiiqooyinka kulanka.