3 Milyan  Xujey ah oo sanadkan ka qeybgelaya Xajka iyo amaanka oo ka duwan sidii hore

Dowladda Sucuudiga ayaa culeys xoog leh saartay adkeynta amniga Xujeyda Muslimiinta ah ee ka qeybqaadanaya Xajka

Wax yaabaha Sanadkan Xajka ku cusub waxaa ka mid ah in tirada dadka Xujeyda ay aad uga badanyihiin sidii hore,waxaa ay gaarayaan 3Milyan oo qof,waxaa intaas dheer In la ballaariyay Waddooyinka iyo meelaha muhiimka u ah Xajka islamarkaana xarigga laga jaray afar bilood ka hor Xajka.

Dhinaca amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana Ciidamo  ka badan 100,000 oo Askari loo xilsaaray xaqiijinta amniga iyo habsami u socodka Xujeyda Muslimiinta ee Maka iyo Madiina iyo meelaha kale ee muhiimka u ah gudashada acmaasha Xajka.

Waxaa intaas dheer in Ciidanka cirka ee Sucuudiga ay heegan sare ku jiraan iyaga oo ka feejigan in Xuutiyiinta Dalka Yemen ay Sawaariikh la beegsadaan Xujeyda iyaga oo ka eegaya colaadda kala dhaxeysa boqortooyada Sucuudiga.

Waxa kale oo sanadkan Xajka ka cusub kuleylka oo la sheegayo in uu marayo heerkii ugu sarreeyay muddo 35 Sano ah,taas oo iyana qeyb ka ah waxyaabaha sanadkan ka jira Xajka.

Dhinaca Dalka Qadar waxaa ay Dowladda Sucuudiga ku eedeysay in sanadkan ay diidday in xitaa hal qof oo Qadar u dhashay uu Xajka tago.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Sucuudiga ay Xujeyda u diidday viisaha lagu tago Xaja islamarkaana xujeyda Qadar waayeen meel ay ka helaan Viisaha Xajka.

Dhinaca Soomaalida Axmed Safiina oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaban qaabada Xajka Soomaalida ayaa sheegay in 22,000 oo Soomaali ah oo ka kala xajiyay 45 Dal ay sanadkan ka qeybgelayaan Xajka.

Waxaa uu xusay in tirada ugu badan ee Xujeyda ay ka baxeen dhulka Soomaalida hayeeshee inta kale ay Caalamka intiisa kale ka xajiyeen

Mustaqbal media

Read Previous

Maamulaha Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo ka mid ah dadka loo xiray musuqa

Read Next

Mogadishu: police detained the manager of Mogadishu seaport customs office