Maamulaha Qeybta Canshuuraha ee Dekadda Magaalada Muqdisho Axmed Cabdullahi Samow ayaa ka mid noqday ku dhawaad 10 Qof oo loo xiray musuq la sheegay in lagu sameeyay Canshuuraha Dekadda.
Axmed iyo 7 ka mid ah shaqaalaha xafiiska Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho ayaa ku jira xarunta Dambi baarista ee C.I.D-da waxaana maqan qof kale oo la sheegay in uu ku maqanyahay Xajka.
Axmed, ayaa sheegay in kiiska iyaga loo heysta uu yahay tuhun la xiriira Canshuur si qalad ah loo qaaday hayeeshee wixii eedeyn ah ay diyaar u yihiin in ay ka garbaxaan.
Waxaa uu xusay in isaga oo Xafiiska ka maqan ay Xafiiskiisa Boolis tageen markii la waayayna la Taleefan lagala soo hadlay sidaasna ku tagay Laanta Dambi baarista ee Muqdisho.
Samow ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay garsoorka dalka islamarkaana uu filayo in isaga iyo shaqaalaha qeybta Canshuuraha ee xiran ay Caddaalad heli doonaan.
