Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Jeneraalka oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa beeniyay in qarax lala eegtay mid kamid ah gawaari Ciidan oo la socotay.
Weerar waddo gal ah ayuu sheegay in ay ku sameeyeen Al-Shabaab, balse ay iska difaaceen, waxa uuna intaa ku daray in ay ka badnaayeen Kooxdii weerarka ku qaaday.
Iska hor imaadkaas ayuu sheegay in labo askari ay kaga dhaawacantay, waxana uuna tibaaxay in weerarkaan uu qabsaday inta dhaxeysa Lambar 50 iyo Lambar 60 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kolonyada Caanood ayaa ka amba baxday Beerta Cali Mahdi, waxayna Illo wareedyo ay mustaqbal u sheegeen in Generalka uu Lambar 50 kula kulmay saraakiil Ciidan oo deegaankaas ku sugan.
Saraakiishii la kulantay General Caanood ayuu u sheegy in uu duulaan ku yahay Deegaano hoos taga Degmada Marka oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida ay inoo sheegeen saraakiil Ciidan.
Deegaanada uu sida gaarka ah ugu sheegay in uu la wareegayo waxaa kamid ah Jilib Marka, Gandarshe iyo Degmada Marka oo qaybo kamid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
