General Bariise “Nabad sugidii lagu biiriyay Booliiska waxbadan ayaa amniga iska badalayo”.

Taliyaha Ciidanka Hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo Dhaqaalaha Booliiska Soomaaliyeed General Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay isbadalada Amniga ee laga fili karo Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Bariise ayaa sheegay in kolkii hore Ciidamada Booliiska iyo nabad sugidda ay kawada howlgali jireen sugidda ammaanka Dalka, balse hadda Ciidankii Nabad sugidda lagu biiriyay Booliiska.

Waxa uu sheegay in Ciidamadii NISA la xareeyay si loo siiyo tababar ku saabsan Mehradeed lagu sara qaadayo Aqoontooda, maadaama ay ku biireen Ciidamada Booliiska sida uu hadalka u dhigay.

Qorshaha sugidda amniga rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay, isagoona sabab ugu dhigay in hal amar lasiinayo Ciidamada Howlgalaya, hal taliyane ay leeyihiin.

“Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga. Ayuu u yiri General Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable.

Dowladda Federaalka ayaa isbadal ku sameysay Ciidamadii sugayay ammaanka Caasimadda ee Xasilinta, waxaana lagu badalay Ciidamada 14-ka Oktober iyagoona maalmo kadib laga wareejiyay, loona dhiibay Ciidamada Booliiska Dowladda.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti “Marnaba ma go’i doono Xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya”.

Read Next

Gen. Caanood ka hadlay iska hor imaad dhexmaray Ciidamo uu watay iyo Al-Shabaab.