Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in la nabad geliyo dadka Oromada ah ee ku nool degaannada Puntland.
Waxaa uu ka hadlayay kulan dhexmaray Waxgaradka Oromada iyo maamulka Gobolka Bari oo ka dhacay magaalada Boosaaso.
Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo,Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in Nin Oromo ah oo dhawaan lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso uu maamulka biixnayo daawadiisa.
Waxaa uu dhinaca kale sheegay in Somaliland ay siyaasadeyneyso colaadda Oromada iyo Soomaalida degaannada Puntland.
Madaxweynaha Somaliland ayuu ku eedeeyay in uu u gacan haatinayo Oromada degaannada Puntland hayeeshee Puntland ay ku filantahay nabad gelyadooda.
