Howlgal ka socda Boosaaso iyo dil xalay ka dhacay

Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay wadaan howlgal lagu baadi goobayo koox dabley ah oo xalay dil ka geystay Boosaaso.

Koox hubeysan ayaa xalay Fiidkii waxaa ay Magaalada Boosaaso ku dileen Cabdullahi Cali Cumar oo ahaa Maareeye ku xigeenka Sharikadda Golis ee Puntland.

Kooxda ayaa Cabdullahi ku dishay dhabarka dambe ee xarunta Sharikadda ee Magaalada Boosaaso,Salaaddii Cishaha kaddib waxaana ay ka baxsadeen goobta.

Ciidamada Puntland ayaa wada howlgalka ay ku doonayaan in dadkaas lagu soo qabto iyada oo aan la xaqiijin ilaa hadda in dad loo qabtay iyo in kale.

Gaas ayaa dhawaan xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Nabad Sugidda Maamulka Puntland hayeeshee ma jirto qof loo magacaabay ilaa hadda.

Mustaqbal media

Read Previous

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ku baaqay nabad gelyada Oromada Gobolka

Read Next

IOM helps Ethiopian migrants, Somali refugees return home from war-torn Yemen