Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay kuso biirtay hardanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey.
Kooxda reer Merseyside ayaa horay isaga dirtay Emre Can oo Juventus ku biiray waxeyna soo qaateen Naby Keita iyo Fabinho, lakiin waxa ay u muuqataa in Jurgen Klopp uu doonayo inuu u dhaqaaqo Ramsey.
Xiddiga Gunners oo muddo dheer ka ciyaarayay garoonka Arsenal oo qandaraaskiisa ka harsan hal sano, sida ay qortay jariirada Ian McGarry, Liverpool ayaa isha ku heysa xiddiga reer Wales.
McGarry ayaa u sheegay Wargeyska Englan kaso baxa: “Waxaa jira xoogaa xiiseyn ah oo ka timid Liverpool, waan fahansanahay.
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay iska iibiso Ramsey hadii ay awoodaan inay keensadaan bedelkiisa.
