Joe Hart oo ku biiray kooxda Burnley.

Kooxda Burnley ayaa lagu soo waramayaa iney ka soo kabsaneyso dhibaatada goolhayaha iyagoo la saxiixday goolhayaha Manchester City Joe Hart.

Goolhayahaan ayaa boos joogta ah ka waayay kooxda City wuxuuna ugu dhaqaaqay heshiis xor ah.

Sida laga soo xigtay The Sun, Hart ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Lancashire, iyadoo qeyb ka ah £ 4m oo qandaraas ah, taasoo laga yaabo inay dhameystirto Sabtida.

Hart ayaa City kusoo biiray 2006dii isagoona boos joogta ah ka waayay kooxda Pep Guardiola, waxaana labo xili ciyaared uu  si amaah ah ugu soo ciyaaray  kooxaha Torino, iyo West Ham United.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Somalia PM solved Tension in Ministry of Foreign Affairs

Read Next

Liverpool oo kuso biirtay loo lanka loogu jiro Aaron Ramsey.