Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa markii u horeysay ka hadlay Eedaha loo heysto Wasiir kuxigeenka arimaha dibeda Somaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo saaka xafiiskiisa Ciidamo ay ugu tageen.
Dr Axmed Cali Daahir oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay isagoo dhinac taagan hanti-Dhowraha guud ee Qaranka, waxa uu sheegay in la soo gabagabeeyay baaritaano socoday 4 Bil.
Xafiiskooda ayuu sheegay iney ka soo dhamaatay dacwado ka dhan ahaa wasiir Muqtaar, Kiiskana ay ugudbiyeen Xafiiska Hanti-Dhowraha oo markii danbe isagana ku raacay saxnaanshaha Dacwadda.
Daahir, Waxa uu sheegay eedaha loo heysto Wasiirka ay ka mid tahay: Ku Xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne, Ku Xad gudub awood xafiiseed, ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ugu danbeyntii sheegay in Siyaasada Xafiiskiisa aanu ogolaaneyn iney dhegaha ka fureystaan Danbiyo laga galayo Qaranka.
Halkan ka dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha:
