Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubaland gaar ahaanna Degmada Af-Madow ayaa soo bandhigay Labo Nin oo ay sheegeen in ay ka goosteen Al-shabaab islamarkaana isu dhiibeen Maamulka Jubaland.
Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Jubaland ee Af-Madow Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in labada Nin ay wataan Labo Qori oo 47 ah iyo Booshashkooda islamarkaana ay ka tirsanaayeen qeybta Jabhadaha ee Al-shabaab.
Magacyada labada Nin ayaa lagu kala sheegay Xasan Gamadiid Cabdi oo 30 jir ah iyo Isxaaq Xasan Ibraahin oo isna 35 jir ah.
Maamulka Jubaland iyo Al-shabab ayaa isugu faana soo bandhigidda Askar ay ku sheegaan in dhinacyada ay ka kala goosteen.
Al-shabaab ayaa inta badan ku soo bandhiga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ee Soomaaliya.
