Talyaaniga oo dib u dhis ku sameynaya Xarunta Maxkamada sare ee Dalka.

Dowladda Talyaaniga ayaa ballan qaaday inay dib u dhis ku samaynayso xarunta Maxkamadda sare ee dalka, kadib kulan maanta ay ka wada qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Safiirka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  Baashi Yuusuf Axmed iyo Danjiraha  Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariirra xoojinta garsoorka dalka, waxaanay kormeereen qaybaha Maxkamadda ay ka kooban tahay.

Waxyaabaha ay kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa dhismaha iyo dib u dayactirka xarunta Maxkamada taasi oo  ay Dowlada Talyaaniga ballan qaadday in si dhaqsi ah loo bilaadi doona islamarkaana ay diyaar diyiin qaraashaadkii ku bixi lahaa, iyadoo laga shaqeynaayo in Maxkamaddu ay hesho dhisme ku habboon shaqada garsooska

Waxay sidoo kale ka wada hadleen Labada dhinac dib usoo celinta xariirki garsoorka Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasi muuhiimad gaar ah siineyso sidii cilaaqaadka cusub uu ula  jaan qaadi lahaa arrimaha garsoorka Dalka

Waxaa ugu dambeynii la isla soo qaaday in howlwadeennada Maxkamadda ay helayaan tababarro  ku saabsan aqoon kororsi xagga garsoorka ah, taasi oo Dowlada Talyaaniga ay aqbashay in shaqaalaha ay tababarro u aadaan dalkeeda, si loo dardar galiyo howlaha garsooska dalka.

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’iisul Wasaare Khayre :Musuq maasuqa wuxuu ka mid noqday nolosha caadiga ah

Read Next

Jabuuti oo si caro leh uga hadashay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee cunqabateynta saaran Eritrea.