Everton oo ku dhawaaqday saxiixa Lucas Digne.

Kooxda Everton ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca Barcelona ee Lucas Digne heshiis shan sanno ah.

Toffees ayaa ku adkeysaneysa inay raadineyso daafac bidix oo cusub, lakiin kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ayaa ugu danbeyntii xaqiijisay in ay ku guuleysaday saxiixa Digne.

Digne ayaa Everton ugu soo biiray aduun dhan 18milyan, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa qirtay inuu ku faraxsan yahay inuu ka ciyaaro Premier League.

25-jirkaan ayaa u sheegay Evertontv: “Waxaan doonayaa inaan tuso kubadeyda ugu fiican Everton, waxaanan helaa horyaalka ugu fiican adduunka, qof walbana waa jecel yahay Premier League, waan jeclahay xaqiiqdi in aan halkaan imaado.

“Anigu kama baqayo, waan faraxsanahay, aniga ahaan, waa qaab cusub oo lagu ogaanayo  kartideyda ciyaareed”

Digne ayaa barka u saftay  46 kulan u saftay labo sanno oo uu la joogay kooxda reer Catalan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Arturo Vidal oo ogo laaday inuu ku biro Inter Milan.

Read Next

Ra’iisul Wasaare Khayre :Musuq maasuqa wuxuu ka mid noqday nolosha caadiga ah