Arturo Vidal oo ogo laaday inuu ku biro Inter Milan.

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich iyo xulka Chile ee Arturo Vidal ayaa aqbalay inuu u dhaqaaqo horyaalka talyaaniga.

Sida ay baahisay Football Italia, Arturo Vidal ayaa shuruuda shaqsiga ah kala heshiiyay kooxda Inter Milan si uu ugu biiro suuqa xaggaagan.

Waxaa haatan harsan oo kaliya in Inter Milan ay la heshiiso Bayern Munich si ay u la wareegto 31 jirka reer Chile oo doonaya inuu ka tago horyaalka Jarmalka.

Arturo Vidal ayaa la filayaa inuu u saxiixo Inter Milan heshiis 3-sano ah, wuxuuna mushaar u helayaa halkii sano lacag dhan 5 milyan oo euro.

Inter ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ku la wareegaysa laacibka, xaggaaga 2019 ayeey si rasmi ah ugu iibsan kartaa lacag u dhexeysa 20 ilaa 25 milyan oo euro.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Arsenal oo heshiis u kor dhisay da’yarkeeda Emile Smith.

Read Next

Everton oo ku dhawaaqday saxiixa Lucas Digne.