Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda
Xoghayaha Difaaca dalka Britain Gavin Williamson ayaa safar aanan la shaacin oo shalay uu ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.
Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo iyo Gavin Williamson ayaa kulan gaar ah uu dhexmaray, kaasi oo looga hadlay arrimo la xiriira taageerada dowladda UK ay siiso Somaliya iyo sidii loo sii kordhin lahaa.
Kulanka oo wax badan aysan ka ogeyn Saxaafadda ayaa Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya waxa ay u sheegeen Mustaqbal in ajandaha uu ahaa taageerada hawlaha Militari ee Dowladda UK ay siiso Somaliya.
Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod).
Muhiimada kulamadan ayaa dhamaantood ku qotomay in dowladda Britain ay door ku yeelato dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ciidamada ay ku jiraan.
Ugu dambeyn Xoghayaha difaaca dalka UK ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee jooga xarunta Xalane, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
