Jalalabaad: Koox hubeysan oo afduub u qabsaday daraasiin dad ah iyo dagaal socda

Wararka ka imanaya Magaalada Jalalabaad ee Dalka Afhganistan waxaa ay sheegayaan in ilaa hadda ay 8 qof dhaawacmeen iyada oo uu socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada amaanka iyo koox weerar ku qaadday Xarun Qaxooti oo ku taalla Magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka  Nangarhar, Attaullah Khogyani,sheegay in koox hubeysan ay ilaa hadda kula dagaallamayaan Ciidanka amaanka Xarunta diiwaangelinta qaxootiga iyo dib u celinta.

Waxaa uu qof goobjooge ah sheegay in Gaaro Madoow oo ay saarnaayeen saddex qof ku qarxay Iridda hore,kooxduna halkaas ka gashay xarunta.

Sohrab Qaderi, oo ka mid ah Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in Xraunta lagu dhex heysto dad gaaraya 40 Qof,iyada oo qeyb ka mid ah dhismaha xarunta uu dab ka socdo.

Qof ka mid ah dadka gudaha lagu heysto oo si qarsoodi ah ula xiriiray Ciidanka ayaa sheegay in Kooxda ay ku qasabtay in aysan dhaqaaqin.

Afhayeenka Gobolka waxaa uu sheegay in xilliga weerarka Ururrada aan dowliga ahayn ee arrimaha Qaxootiga ay shir lahaayeen,islamarkaana xubnaha ugu muhiimsanaa laga bad baadiyay goobta,lana geeyay meel amaan ah.

Mustaqbal media

Read Previous

Porous Somalia border costing Kenya $20m yearly

Read Next

Rafinha oo sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa Barcelona.