Rafinha oo sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa Barcelona.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Rafinha ayaa qirtay inuusan ogeyn halka uu ka ciyaari doono  xilli ciyaareedka soo socda.

Rafinha ayaa shabaqa soo taabtay 7 jeer 28 kulan oo uu u saftay Barcelona intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2016-17, laakiin waxa uu seegay dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo sogaray  dhaawac jilibka ah, islamarkaana uusan ku soo laabanin ilaa bisha Janaayo.

25 jirkaan ayaa ku biiray Inter Milan si amaah ah qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2017-18, waxaana uu dhaliyay labo gool 17 kulan oo Serie A ah oo uu u saftay kooxda Talyaaniga.

“Mustaqbalkeyga? Anigu si daacad ah uma hubo, waxaa jira hadalo badan, laakiin kama fekerayo taas, dadka kale waa inay diirada saaraan, waxaan doonayaa inaan kubad ciyaaro, haddii aan halkaan joogo ama meel kale” Mundo Deportivo ayuu u sheegay Rafinho.

Rafinha waxa uu qandaraas Barcelona dhacayaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2019-2020.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Jalalabaad: Koox hubeysan oo afduub u qabsaday daraasiin dad ah iyo dagaal socda

Read Next

Wargeysyada Caalamka iyo Ciyaaraha Waxa ay ka Qoreen Maanta.