Diiq Haweeneydii lahayd ku dilay Australia

Haweeney da’ ahayd ayaa geeriyootay markii uu weeraray Diiq ay lahayd,waxaana ay ku nooleyd koofurta dalka Australia.

Xilliga Diiqa weerarayay Haweeneyda da’da ah waxaa ay Ukun ka urursaneysay Sanduuqa ay ku keydiso Ukumaha ay dhasho Digaagga ay xanaanneysaneysay.

Qof da’ ah oo quudinaya digaagad

Bare sare Roger Byard , oo wax ka dhiga Jaamacadda Adelaide ee dalka Australia ayaa soo saaray digniin ku saabsan in Diiqu dadka dili karo lagana fogaado xilliyada qaar.

Bare Roger ayaa sheegay in cilmi baaris uu wado oo gabo gabo ah uu waxyabaaha uu ku ogaaday ka midyihiin in Diiqa, Bisadda iyo noocyada kale ee dabjoogta ay dil u geysan karaan dadka da’da ah.

Isha: Daily Mail.

Web master

Read Previous

Somalia: Military court sentenced death penalty to own soldier

Read Next

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeelooyinka.