Shaqo: codeeyayaal aan joogto ahayn

Mustaqbal media oo kakooban Xarun Raadiye, Degital (Webiste & Social media), waxna ku baahiya Baraha kaladuwan ee Bulshada waxa uu kamid yahay Warbaahinta xirfad yahanka ah ee Soomaaliya, xaruntiisa weyn waxa ay kutaal Muqdisho

Kaalinta: Codeeyeyaal (Announcers)

Faahfaahin Shaqo maalmeed

Mustaqbal Waxa ay raadineysaa 3 qof oo u qabta shaqada Codeeyeyaal aan joogto ahayn kuwaas oo ku codeynaya maqaalada Maqalka & Muuqaalka.

Afafka

Soomaali (Waa in uu/ ay si wanaagsan u qori karto ugu hadli karto waxna ku curin karto

English: Fahmi karo

Carabi: Fahmi karo

Afka Soomaaliga oo ah salka iyo aaladda aan wax ku gudbino Qoraal, Maqal iyo Muuqaalba waa in uu/in ay si dhammeystiran u fahmo ugna hadli karo qoraal iyo Maqal labadaba.

Aqoonta & Xirfadda

Codeeyaha waxa looga baahan yahay

  1. In uu/ay si fiican ugu hadli karo, u qori karo una fahmi karo Afka Soomaaliga (Lahjadaha Mayga & Maxaatiriga)
  2. In uu/ay Dhameysay Dugsiga sare
  3. In codkiisu/codkeedu yahay cod miisaan leh (Deeper voice)

Maxaa looga baahan yahay oo dheeri ah?

1) CV (Sooyaal)

2) Katalabixinta shaqaaleysiinta

Emailka Codsiga

To: mustaqbalfm@gmail.com

CC:info@mustaqbalradio.net

Web master

Read Previous

Muwaaddin Soomaali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika

Read Next

Booliska Gaalkacyo oo soo bandhigay Haweeney Nin iska dhigi jirtay