Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya dhismaha wadooyinka isku xira Goboladda dalka.

Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya  Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay maanta oo Khamiisa ah.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u  dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri  Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin  taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

 

MM Staff

Read Previous

Kenya oo sheegtay in Al-shabaab qarax dhigayay ku dhinteen keynta Booni

Read Next

Qaraxyo lala beegsaday laba Markab oo siday Shidaal oo Marayey gacanka Cummaan