Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay heleen saddex ka mid ah Meydadka xubno loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab kuwaas oo ay ku qaraxday Miino ay aasayeen.
Miinada ayey ku aasayeen degaanka Kwa Omolo, oo ka tirsan Kenynta Booni ee Gobolka Lamu saaka aroortii hore.
Ciidamada ayaa sheegay in markii ay qaraxa maqleen ku baxeen goobta halkaas oo ay ka heleen Meydadka laba qof, 3 Qori oo AK47 ah iyo Booshashkoodii.
Waxaa kale oo ay sheegeen in meydka Ninka saddexaad laga helay meel 500M u jirta goobta qaraxa halkaas oo lagu aasay.
Xilliga qaraxa uu dhacayay Gaari ay leeyihiin Ciidank Difaaca Kenya ee KDF ayaa ka baxayay degaanka Baragoni,waxaana uu ku sii socday degaanka kale ee Bodhei, halkaas oo inta u dhaxeysa labada degaan Miinada la gelinayay.
Ciidamada ayaa howlgallo dheeraad ah ka sameeyay degaankaas inkasta oo aysan jirin cid ay arkeen ama gacanta ku dhigeen.
