Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Qaraxyadan oo ahaa kuwo isku xigay ayaa maanta lala beegsaday laba Markab oo shidaal (Nafto) u waday waddanka Jabban, Maraakiibtu waxa ay u dhowaayeen xeebaha Iiraan, Ururka Badaha ee howlaha Ganacsiga ee Ingiriiska ayaa warbixin uu shaaciyey ku xaqiijiyey in ay soo gaartay Qaylo-dhaan caawin dalbasho ah oo ay dalbadeen labada Markab intii weerarku socday.
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in mid kamid ah labada Markab oo lagu magacaabo Front Altair uu ku degay badda gacanka Cummaan, waxa ay xukuumadda Iiraan sheegtay in ay badbaadisay shaqaalihii saarnaa labada Markab oo gaarayey 44 ruux.
Illaa hadda ma cadda cidda kadambeysa weerarka lagu qaaday Maraakiibtan
Weerarka Markabka Front Altair oo ay leedahay Norway ayaa sida ay kuwarrantay hay’adda badaha ee Oslo waxa uu kadhashay 3 qarax oo kadhacay gudaha Markabka kaas oo siday 75 kun oo tan oo Nafto ah.

Markabka kale oo lagu magacaabo Kokuka Courageous lagana leeyahay Jabbaan ayaa siday maaddada Methanol sidaas awgeedna lagama cabsi qabin in ay degto balse shaqaalihii saarnaa waxa kasaaray oo badbaadiyey Doon isla goobta shilu kadhacay mareysay.
Markab Kokuka Courageous ayaa weerarku kuqabsaday meel Imaarada Fujeyra ee Imaaraadka carabta u jirta 80 Km halka Iiraanna ay goobtaasi u jirto 16 Mayl.

Warbaahinta Iiraan ayaa kuwarrantay in hugunka Qaraxyada lagu weeraray Maraakiibtan laga maqlay waddanka Baakistan iyada oo shaqaalihii saarnaana ay kaalmo weydiisteen dowladaha kullaalaha gacanka Cummaan.
Isha: BBC News-BBC Arabic- Aljazeera
Mustaqbal
