Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Dabageed ayaa amar-diido ka keenay xil ka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare, oo jimcihii xilka ka qaaday.
Hoos ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Hirshabeelle.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta ka dhacay dagaal Kharaase gaystay oo u dheexaya ciidamo taabacsan Dabageed iyo ciidanka Booliska Hirshabeelle oo haatan uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed.
