Wasiirka Boostadda oo tababar u furay shaqaale ka socda Dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda  Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa maanta tababar uga furey Magaalada Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka.

Tababarkan oo lagu baranayo farsamada & maamulka Astaanta qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay ka soo qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedadda, himilada iyo hiigsiga Wasaaradda ee ah in la helo isgaarsiin leh hal-beeg caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka.

’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan’’ ayuu yiri wasiirka oo la dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta.

Wasaarada Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa dhawaan la soo wareegtay Astaanta qaran ee Internetka dalka ee dotSO waxaan wasaaradu wadaa qorshe lagu shaqo galiso

MM Staff

Read Previous

Maxaa ka jira in dadka ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool lagu amray in ka guuraan Galmudug?.

Read Next

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle Oo Amray In La Soo Xiro Yuusuf Dabageed.