Dhageyso: Ciidamada Somaliland oo maalinkii 5-aad xabsi ku haya gabar taageertay Iiraan.

Magaalada Hargeysa waxaa maalinkii 5-aad xabsi ku jirta gabar lagu magacaabo Safiya Aadan Rooble oo taageero u muujisay dowladda Iiraan, iyadoo weerar afka ahna ku qaaday Mareykanka iyo maamulka Yahuuda.

Ciidamo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay iney tageen guriga Haweeneydan maalintii ka horeysay Ciida, iyagoo xabsiga dhigay, waxaana baraha bulshada qabsaday dood salka ku heysa in qof loo xiro aragtidiisa uu cabiray darted.

Axmed Aadan Rooble oo ay Walaalo yihiin gabadha xiran, ayaa sheegay in Safiya ay tahay qof xanuun dhinaca Maskaxda ah qabta, isagoo ka dalbaday Ciidamada Somaliland iney dib u siiyaan xoriyadeeda, maadaama ay tahay Hooyo ilmo badan heysata.

Waxa uu sheegay iney ku nooqtay filan waa in shaqsi loo xiro maxaad wax uga sheegtay dalal kale, isagoo cadeeyay in hadalka ay siisay Warbaahinta aaney ku jirin wax ku saabsan Somaliland iyo madaxdeeda.

Safiya Aadan Rooble ayaa Axadii ka soo muuqatay Warbaahinta Somaliland, iyadoo shir jaraa’id ku qabatay Hargeysa, waxeyna xiligaasi eheyd qof xiran Niqaab.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Axmed Aadan Rooble oo BBC-da la hadlay:

Web master

Read Previous

Kusimaha Madaxweynaha Puntland ” Muuse Biixi Cunaqabatayn ma saari karo gobolka Sanaag”.

Read Next

Dhageyso: Kusimaha madaxweynaha Puntland oo sheegay iney dayac tireen wado hal bowle u eheyd ganacsiga gobolada Dhexe ee dalka.