Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn Somaliland ku hanjabtay iney saareyso gobolka Sanaag.
Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlay arrintaasi ayaa cadeeyey inaanay cidina cuna qabatayn saarikarin ‘DHULKA AWOOWAYAASHA’ ee gobolka Sanaag, sida uu hadalka u dhigay.
“Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Karaash.
Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in maamulka Somaliland taageero wax uu ku sifeeyay argagixisada Al-Alshabaab oo ah cadaw Soomaaliyeed.
”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.
Hadalka Karaash, ayaa daba socda bandowgii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku hanjabay inuu saarayo qeybo kamid ah gobolka Sanaag, taasoo keentay in la xiro Xildhibaan Dhakool oo gobolka ka soo jeedo, wuxuuna Xildhibaanka ku ciideystay gudaha Xabsiga uu Hargeysa uga xiran yahay.
