Dhageyso: Kusimaha madaxweynaha Puntland oo sheegay iney dayac tireen wado hal bowle u eheyd ganacsiga gobolada Dhexe ee dalka.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa furay dhismaha ku meel gaar ka ah ee Puntland  ku samaysay wadada halbowlaha ah ee isku xirta gobolada dalka.

Dhismaha Wadada ayaa la dhamaystiray afar meelood oo wax yeelo xoogle ay soo gaartey, waxayna inta shaqada laga qabtay u dhexeysaa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, iyadoona la fasaxay gaadiid badan oo dhowrkii maalmood ee u danbeeyay halkaasi ku xanibnaa.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu soo dhoweeyay go’aan ay soo saareen guddigu oo ah in habeenkii gawarida la joojiyo, maadaama wadadu ay ka bur-burtay dhinacyada, taas oo khatar u keeni karta shacabka gawaarida ku safraya, waxaana uu guddiga kula dar-daarmay inay shaqada halkaasi kasii wadaan.

Daahfurka dib u dhiska wadada go’day waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweyna Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale, waxaana wali harsan shaqo badan oo xoog leh iyo dayactir lagu samayndoono inta badan hareeraha wadada oo bur-bur soo gaaray.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka madaxweyne Karaash:

Web master

Read Previous

Dhageyso: Ciidamada Somaliland oo maalinkii 5-aad xabsi ku haya gabar taageertay Iiraan.

Read Next

Maxaa kajira isdaldalaadda Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kadhacday Muqdisho?