Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha degaanka ee Magaalada Beledweyne.
Munaasibadda dhagaxdhigga ee Xarunta Golaha waxaa ka qeybgalay wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka iyo kan degmada.
Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Odayaasha degaanka, dhallinyarada,Haweenka iyo Ururrada Bulshada rayidka ah ee ka jira Magaalada Beledweyne.
Maamulka Hirshabeelle ayaa ku jira dhismaha Golaha degaanka ee dowlad Goboleedka,waxaana ay ka socotaa dhamaan degaannada Maamulka uu ka koobanyahay ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
