Nin asalkiisu yahay Falastiin oo Madaxweyne ka noqday El Salvador

Nayib Bukele; ayaa loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Dalka El Salvador kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas.

Nayib Bukele, oo horay duq magaalo ugu ahaa Magaalada San Salvador, ayaa ku baaqay in la daweeyo dalkiisa oo uu ku sheegay in uu la mid yahay Ubad jirran.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka dalkiisa ka soo gaaray siyaasadaha adag ee Mareykanka maaddaama dadka ugu badan ee gala Mareykanka ay sii maraan dalkiisa amaba ka dhasheen.

Waxaa uu aad u dhaliili jiray China iyo Mareykanka,waxaana hadda laga doonayaa in uu dhex dhexaad ka noqdo danaha Mareykanka iyo China ee dalkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa u hambaleeyay Sabtigii,waxaa kale oo uu ballanqaaday in uu dib u eegis ku sameynayo xiriirka China.

Bishii February ayey dhacday doorashada u ku guuleystay,waxaana uu 30 Sano kaddib meesha ka saaray nidaamka labada xisbi ee dalka El Salvador .

Web master

Read Previous

Puntland oo amartay in dadka reer miyiga ah laga saaro meelaha biya mareenka ah.

Read Next

Waare oo dhagax dhigay Xarunta Golaha degaanka Beledweyne