MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Waxaa caawa la ciyaari doona finalka koobka xiisaha badan ee Champions League-ga oo ay wada ciyaari donaan kooxaha Tottenham iyo Liverpool.
Liverpool ayaa sanadkii labaad oo xirir ah soo gaareysa finalka Champoins League-ga balse waxaa sanadkii hore ka qaaday kooxda Real Madrid ciyaar kuso dhamaatay 3-1 oo Liverpool lagu garaacay.
Tottenham ayaa ciyaareysa finalkoodii ugu horeeyay ee European Cup/Champions League-ga.
Kooxda laba jeer isku xigta ee guul dareysta finalka Champipon-ka waa Valencia sanadihii 2000 iyo 2001-di .
Kulanka:Tottenham vs Liverpool.
Tartanka: Finalka Champions League-ga.
Wakhtiga: 10:00pm.
Garoonka: Estadio Wanda Metropolitano.
Garsoore: Damir Skomina (Slovenia).
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Liverpool waa ay guul dareysteen 4-tii final ee hore tan iyo midkii 2012-kii ee League Cup halka Tottenham ay guul dareysteen labadii final ee la soo dhaafay tan iyo sanadkii 2008-dii ee League Cup
Goolasha ugu badan xilli ciyaareedkaan ee Champion-ka waxaa laga dhaliyay Tottenham waana 17 gool
Tababare Klopp ayay u tahay finalkii sedexaad ee tartamada yurub tan iyo markii uu qabtay Liveropol kaliya waxaa ka sareeya Bob Paisley kaasi oo haysta afar jeer
Liverpool ayaa noqon doonta kooxda saddexaad ee ugu guulaha badan tartanka Champions League wakhtiga oo dhan hadii ay guul ka gaarto Spurs, maadaama ay markii 6-aad hanan doonto.
Tottenham iyo Liverpool waxey guud ahaan kulmeen 170 jeer dhamaan tartamada oo dhan, Reds ayaa guuleysatay 79 jeer halka Spurs ay guul heshay 48-jeer, waxeyna barbaro galeen 43-jeer.
Spurts waa kooxdii 40-aad ee gaartay final tartan yurub ah, waana kooxdii ugu horreysay oo ay tahay markii ugu horreysay tan iyo 2008 markaas oo Chelsea ay u aheyd wakhtigii ugu horreeyay, waxey noqon karaan kooxdii 23-aad ee ku guuleysta tartanka yurub.
Safafka Macquulka ah:
Tottenham:
Lloris; Trippier, Alderweireld, Vertonghen, Rose; Sissoko, Winks; Son, Alli, Eriksen; Kane.
Liverpool:
Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane.
