Kenya oo u hanjabtay Dadka deggan Gobolka Soomaalida

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadeyso dadweynaha xiriirka la leh Al-shabaabka dagaallada iyo afduubka ka geysta Gobolka Soomaalida.

Maxamuud Biriq oo ah madaxa amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in dadka shaqsiyaadka ama kooxaha taageerada farsamo u fidiya ay wajihi doonaan awoodda sharciga Kenya.

Maxamud waxaa uu sheegay in dhawaan Ciidamada oo Roondo ka sameynayay Keynta Boonu ay gacanta ku dhigeen 20 caagadaha Jiirigaannada ah oo Cunto laga buuxiyay kuwaas oo dhulka lagu qariyay.

Biriq ayaa sheegay in jirigaannada ay ku jireen Saliid, Sokor, Bariis, Digir iyo cuntooyin kale,kuwaas oo uu sheegay in shaqsiyaad degaanka ah ay u qarinayeen AL-shabaab.

Waxaa uu maamullada degaanka u sheegay in ay yihiin Indhaha dowladda,waxaana uu ka dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Maxamuud ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan xilli roobaadka oo ay fursad u helaan in dhul ballaaran ay ku lugeeyaan maaddaama Ciidamada dowladda aysan gaari karinwaddooyinka qaar ee burbursan.

Web master

Read Previous

Somalida Koofur Afrika oo ka carayaya magaalooyinka qaar

Read Next

Waare oo safiirrada UK iyo Sweden kala hadlay mashaariicda iyo dhismaha Booliska Hirshabeelle