Somalida Koofur Afrika oo ka carayaya magaalooyinka qaar

Dalka Koofur Afrika waxaa ku sii xoogeystay waxyeellada loo geysanayo dadka soo galootiga ku ah dalkaas.

Dhibbanayaasha ugu badan waa Soomaaliya kuwaas oo Ganacsi kala duwan islamarkaana fir fircoon ku leh dalka Koofur Afrika.

Soomaalida deggan ama ku ganacsada Degaannada Lwandle iyo Nomzamo, ayaa billaabay in ay hantidooda kala baxaan magaalooyinkaas kana cararaan.

Muuse Maxamuud Axmed waxaa uu ka mid yahay Soomaalida Ganacsiga ku leh degaannadaas, waxaa uu sheegay in uu la baxsanayo naftiisa markii ay qatari soo wajahday.

Muuse Dukaaniisa ayaa lagu gubay isaga oo jiifa xilli Habeen ah,waa uu ka badbaaday naf ahaan laakiin waxaa halkaas ku baaba’ay hantidii uu ku tabcayay.

Xuseen Cabdi waa muwaaddin Soomaali ah isaguna waxaa sidoo kale laga gubay Dukaan,waxaana uu xusay in ay naftooda kala baxsanayaan degaannadaas.

Web master

Read Previous

Wasiirro iyo Xildhibaanno booqday Degaannada Sabiid iyo Caanoole

Read Next

Kenya oo u hanjabtay Dadka deggan Gobolka Soomaalida