Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjirayaasha Dalalka UK iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka uu Waare la qaatay labada danjire ayaa waxaa uu kala hadlay xaaladaha ka jira degaannada Hirshabeelle ee u baahan waxka qabashada.

Daniiraha Dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa ka wada hadlay maalgelinta Ganacsiga oo daymo la siiyo- Mashruuca Shuraka oo ay fuliyaan bangiyada Dalka sida Dahabshil, Horumarinta dhallinyarada, haweenka, iyo taakulaynta Mashruuca cadaaladda, taasi oo wax badan ka tareyso Horumarka Hirshabelle.

Dhinaca kale waxaa uu la kulmay Danjiraha UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender,waxaa ay ka wadahadleen tababarka Booliska loo dhanyahay iyada oo dufcaddii labaad ee Booliska Hirshabeelle dhawaan la xareeyay.
