Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda
Magaalada Baydhaba waxaa ka dhacday doorashada kursigii 2aad ee doorasho 3 kursi ahayd oo maanta ka dhaceysay halkaas.
Kursigii hore waxaa ku guuleystay Cali Afgooye oo u tartamay Kursigii uu banneeyay Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.
Kursiga 2aad waxaa ku soo baxay Nuur Siidow Baaba Xasan,kursigan waxaa ka geeriyooday Marxuum Axmed Mayow Cabdulle ( Korneyl Ruush ).
Nuur Siidow waxaa uu helay 48 cod,Fiqi Cabdullahi oo la tartamay waxaa uu helay hal cod halka cod kalena uu xumaaday.
Doorashada Kursigii uu iska casilay Madaxweynaha hadda ee Koofur Galbeed C/Casiis Lafta gareen ayaa dhiman saddexda Kursi ee lagu talagalay in maanta lagu buuxiyo Baydhaba.
