Gaadiid dhuxul usoo waday Muqdisho oo lagu gubay Shabeelaha Dhexe.

Gobolka Shabeelaha Dhexe wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in wadada u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad lagu gubay Gaadiid dhuxul usoo waday Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegay in illaa saddex gaadiid oo ah kuwa dhuxusha qaada in ay gubeen Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen in gaadiidka laga dajiyay dadkii la socday, isla markaana dab ay ka qabadsiiyeen qaybo kala duwan oo Gaadiidka ah.

Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen gaadiidkaan dhuxusha waday ee lagu gubay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Bilooyinkii lasoo dhaacay Wadada Muqdisho iyo Afgooye xiriirisa waxaa lagu gubay tiro gaadiid Xamuul ah, kuwaa oo Magaalada Muqdisho dhuxul usoo waday.

Sidoo kale waxaa gaadiid kale qab lagu qabadsiiyay Duleedka Degmada Afgooye, mas’uuliyiinta Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa  Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan gubista Gaadiidka dhuxusha.

Web master

Read Previous

10 qodob oo sabab u ah xasilooni la’aanta Xamar!

Read Next

Duqa Garoowe oo maanta hortagaya Golaha Deegaanka Magaaladaas.