Guddoomiyaha golaha degaanka, ahna duqa Magaalada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa maanta hortagaya Golaha Deegaanka ee Magaaladaasi.
Waxa uu kahor jeedinayaa khudbad uu kaga hadlayo waxqabadkiisa 6-dii bilood ee lasoo dhaafay iyo waxyaabaha u qorsheysan 6-da bilood ee soo socota.
Xubno katirsan Golaha Deegaanka ayaa dhankooda soo bandhigi doono warbixinta guud ee Golaha, iyo waxyaabaha ay soo jeedinayaan in loo baahan yahay in wax laga qabto.
Axmed Siciid Muuse Duqa Garoowe waxaa la doortay 29-kii Bishii August sanadkii tagay 2018, waxaana tan iyo waqtigaas dhowrkii bilood kadib laga dhageysanayay wax qabadkiisa iyo qorshihiisa bilooyinka soo socda.
Qaar kamid ah Xubnaha Golaha Deegaanka ayaa sheegay in ay ka fogaadeen khilaaf ka dhex dhaca, sida dhici jirtay xubnihii ka horeeyay sida ay hadalka u dhigeen.
