Magaalooyin dhaca Kenya oo Dhul gariir ka dhacay.

Dadka Kenya ee kunool Magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu waxaa lasoo sheegayaa in dhul gariir uu ku dhuftay.

Abaare 7:20pm (Todobadii Fiidnimo) ee Caawa ayaa la sheegay in Daqiiqado kooban dadka ku sugan Magaalooyinkaas in ay dareemeen dhulka oo nuux nuuxsanaya.

Sida laga soo xigtay Waaxda Saadaasha Hawada Kenya cabirka dhulka gariirka ku dhuftay Magaalada  Wundanyi ee Gobolka Taita Taveta waxaa lagu qiyaasay 4.8 qiyaasta cabbirka Dhulgariirka.

Dowladda Kenya wali war kama soo saarin dhulgariirkaan oo baqdin ku reebay dadka kunool Magaalooyinka uu gaaray.

Isha Warkaan Daily Nation

Web master

Read Previous

Wax ka ogw Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha

Read Next

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo xiran