MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran iyada oo ciidamada dowladda ay xireen.
Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamada Koofi Casta ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu daadiyay Isgpysyada muhiimka ah.
Isgyosyada Banaadir, Soobbe, Tarabuunka iyo meelo kale oo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarrama ayey ku suganyihiin Ciidamada kuwaas oo gaadiidka ka celinaya waddooyinka.
Dhinaca Madaxtooyada waxaa isgoysyada ku dhow la geeyay oo Waddooyinka lagu jaray Gaadiidka Dagaalka.
Waxa ajira warar kala duwan oo la xiriira in arrintan ay xiriir la leedahay Ciidamada ka gadooday mushaar la’aanta ee ku hanjabay in ay caasimadda soo galayaan.
