MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay La Taliyaha Badbaadada Badda ee UNSOM Mr Jeff Sims kaas oo ku sugan deegaanada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Qaabilaada Kadib Mr Jeff Sims Waxaana shirkaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa arrimaha amniga iyo kaalmada ciidamada badda oo UNSOM ay Somaliland ka taageerto.

Kulanka oo Qaatay saacado kooban ayaa Agaasimaha guud ee Amniga Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa looga dhageystay xaalada Amniga ee xeebaha Maamulka Somaliland.

UNSOM ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada Amaanka, dhaqaalada iyo arimaha Bini aadanimada waxa ayna xafiisyo ku leedahey inta badan Caasimad Goboleedyada Dalka.

