Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Tirada Dadka Soomaalida ah ee ku dhintay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya ayaa kordhay,waxaana ay ilaa hadda mareysaa 7 Qof.
Shilkaas dadka ku dhintay waxaa ka mid aha C/Shakuur shahaad oo ka mid ahaa Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Waxaa kale oo shilkaas dadka Soomaalida ahaa ee ku dhintay ka mid ahaa Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay dhimashada Sahro Siciid Xasan iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/Qaadir oo heystay dhalashada Dalka Uk, taas oo tirada Soomaalida ee ilaa hadda lahayo ka dhigeysa 7 Qof.
Waxaa kale oo shilkaas ku geeriyooday Amina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda Safiya Faysal oo iyaguna heystay Dhalashada Dalka Canada.
Sidoo kale waxaa ku dhintay diyaaraddaas Axmed Nuur Maxamuud oo ahaa sarkaalka DIyaaradda Ethiopian Airlines oo heystay dhalashada dalka Itoobiya kana mid ahaa shaqaalaha Diyaaradda.
