157 qof oo ku dhintay diyaarad ay lahayd Ethiopian Airlines oo bur burtay

Sharikadda Diyaaradaha Itoobiyan Airlines ayaa xaqiijisa dhimashada  157 qof oo la socday Diyaarad ay leedahay oo saaka ku dhacday duleedka Adis ababa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Sharikadda ayaa lagu sheegay in 149 qof oo Rakaab ahaa iyo 8 Shaqaalaha Diyaaradda ahaa ay ku dhinteen shilkaasi ka dhacay Koofurta Adis ababa.

Diyaaradda ayaa ku sii jeedday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya,waxaana Nambarkeedu ahaa B-737-800max.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ethiopian Airlines ayaa waxaa ay ku sheegtay in dadka ku dhintay shilkaasi ay u kala dhasheen 33 dal oo Caalamka ah.

Markii ugu horreysay warkan waxaa baahiyay Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo tacsi u diray ehelka dadka ku dhintay shilka diyaaradeed.

 

Web master

Read Previous

Uganda joins chorus to quit Amisom over cuts

Read Next

Chelsea oo laga soo diiday dalab ay ka gudbisay Pablo Sarabia.