Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Kooxo hubeysan, ayaa siyaabo kala duwan dilal uga geysatay Caawa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ee gobolada Hiiraan iyo Banaadir.
Dilka hore, waxa uu ka dhacay Xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan, halkaasoo lagu dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo magaciis alagu sheegay Xasan Cismaan, waxaana goobta isaga cararay Kooxdii dilka geysatay.
Ciidamada amaanka ee degmada Hodan oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah, iyadoo aan la soo sheegin cid loo soo qbatay dilka.
Weerarka labaad waxa uu ka dhacay magaalada Beledweyn, waxaana la dilay laba qof oo midi ahaa Askari katirsan Ciidamada, halka qofka kalena ahaa qof Shacab ah, sidoo kale rasaasta labadaas qof lagu dilayay waxa ay dhaawac ka soo gaartay ilmo yar oo goobta ku sugnaa.
Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo Saraakiishooda, ayaa tagay Xaafadda howlwadaag laanta heegan oo ah halka weerarka uu ka dhacay, waxeyna Ciidamada fareen iney sameeyaan howlgalo adag oo lagu soo qabanayo danbiilayaasha.
