Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa maanta xiray inta badan Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa u diidaya Gadiidka kala duwan adeegsiga Waddooyinka Magaalada,waxaana gaadiidka ay marayaan xaafasaha dhexdooda.
Dhamaan Waddooyinka muhiimka ah ayaa lagu amrayaa Gaadiidka Dadweynaha,iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay laabtaan.
Inta badan munaasibadaha Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo marka ay mas’uuliyiin ajaanib ah imanayaan ayaa la xiraa waddooyinka Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabanayaa xuska sanad guurada 49aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya.
