Wiil Somali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in muwaaddin Soomaaliyeed xalay lagu dilay dalka Koofur Afrika mid kalena lagu dhaawacay.

Koox Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa weerar ku qaaday Dukaan ay dhallinyarada ku sugnaayeen oo ku yaalla Magaalada Pretoria ee dalkaasi.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay wiiil Soomaali ahaa oo lagu magacaabi Jiray Yuusuf Sheekh Maxamed,waxaana lagu dhaawacay mid kale oo isna dhaawaciisa la geeyay Isbitaal.

Habeen hore ayaa sidaan oo kale la dilay wiil kale oo Sooomaali ahaa,waxaana sii kordhayay dilalka loo geysanayo dadka dhallinyarada u badan ee Soomaalida ah kuna ganacsada dalkaasi.

Booliska Koofur Afrika ayaa bishii hore ee sanadkan sheegay in weerarrada lagu hayo dadka Soomaalida ah ay mararka qaar ku lug leeyihiin dadka Soomaalida ah dhexdooda.

Waxaa ay ka digeen in qabiillo Soomaali ah ay ku dagaallamaan dalka Koofur Afrika taas oo ay Boolisku ku sheegeen in ay ku adkeyn karto in ay baaritaan ku sameeyaan weerarrada dhacaya.

Sanadkan 2019 kaliya dalka Koofur Afrika waxaa lagu dilay 12 qof oo Soomaali ah,taas oo walaac dhinaca amaanka ah ku abuurtay dhallinyarada dalkaasi u shaqo doonta.

 

Mustaqbal media

Read Previous

AMISOM oo dayactir ku sameysay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Read Next

Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay war-murtiyeedka kulankii Abiye iyo Muuse Biixi