Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay war-murtiyeedka kulankii Abiye iyo Muuse Biixi

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay kulan Magaalada Adis ababa ku dhexmaray Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Qoraal lagu qoray Bogga Facebook ee Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas”.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ah ayaa bogaadisay dadaalka Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ee uu ku doonayo in la soo ciliyo wada shaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,waxaana qoraalka lagu yiri

“Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.”.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay soo jeedinta Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo ahayd in Somaliland ay si dhow ula shaqeyso Xukuumadda Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

Wiil Somali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika

Read Next

Monica Juma: “Kenya waxaa ay halis ugu jirtaa in siyaasadda arrimaha dibadda looga adkaado”