AMISOM oo dayactir ku sameysay Kulliyadda Jaalle Siyaad

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in uu dhameystiray dib u dayactir lagu sameeyay Kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Ergeyda Midowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa AMISOM Francisco Madeira, ayaa sheegay in ay dhameystireen gaba gabeynta dib u habeynta lagu sameeyay Kulliyadda.

Mr Francisco Madeira, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan February marka ay ka baxaan Ciidanka Burundi ay kulliyaddaasi ku wareejinayaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaas ku daray in qorshaha ay Kulliyadda Jaalle Siyaad ugu wareejinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka ee AMISOM ay amaanka ugu wareejineyso dowladda Soomaaliya.

Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa mar ahayd aagga hore ee dagaalka oo ay isku hor fadhin jireen Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

Xeradan ayaa waxaa ay Ciidanka AMISOM gacanta ku dhigeen Sanadkii 2011kii Markaas oo ay Al-shabaab Ciidankoodii kala baxeen Magaalada Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku kulmay Addis Ababa.

Read Next

Wiil Somali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika