Madaxda Somaliya oo ka shiraya go’aanka Kenya

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socda shir ay leeyihiin madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa jawaabta Dowladda Federaalka ah ay ka bixineyso go’aankii ay dowladda Kenya ku ceyrisay safiirkii Soomaaliya keediina ugala baxday Muqdisho.

Kulanka ka socda Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka qeybgelaya danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii xalay ay Kenya amartay in uu ka boxo dalkeeda.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo Danjire Tarsan u gudbinaya warqado cabasho ah ka hor eryiddiisii.

Kenya ayaa ku doodday in Soomaaliya ay beec gelineyso meelo ka mid ah xermooyin shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya hayeeshee ay Kenya sheeganeyso.

Mustaqbal media

Read Previous

PSG oo kuso biirtay xiisa loo qabo Hazard.

Read Next

Hiiraan: 4; caruur ah oo ku dhaawacmay miino ay garaaceen.