Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-Gaal ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay maanta ku dhaawacmeen afar caruur ah ka dib markii ay garaaceen walxa qarxa oo ay ku ciyaareen.
Qofka kamida dadka Deegaalka Ceel-Gaal oo 15 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo lahadlay Mustaqbal ayaa u sheegay in ay dhaawacmeen afartaan caruurta ah ka dib markii ay ku qaraxday miino aya garaacayeen.
Waxa uu sheegay in ay yihiin dhaawacyo halis ah oo intoo badan ay ka dhaawacmeen qeybaha kore ee jirka loona qaaday Magaalada Baledweyne si loola tacaalo dhaawaca ka soo gaaray Miinada ay garaaceen.
Caruurta Soomaaliyeed waxaa dhibaato ka soo gaartaa walxa qarxa oo ay garaacaan ayiga oo ku ciyaaraya waxa ayna ka dhacann inta badan gobolada dhexe ee dalka.
