Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Warbaahinta Dalka Ciraaq ayaa aad u hadal haya dhalashada todobo Carruur ah oo halmar dhashay waliba si caadi ah.
Haweeneyda Carruurtan dhashay oo magaceeda la qariyay ayaa si caadi ah u dhashay lix Gabdhood iyo hal wiil.
Waxaa ay ku dhashay Isbitaalka al-Batoul ee Gobolka Diyala ee dalka Ciraaq,waxaana aad u hadalhaya dadka dalkaas.
Firas Al Izzawi, oo ah Afhayeen u hadlay Isbitaalka ayaa sheegay in dhacdadani tahay taariikha middii ugu horreysay gudaha Dalka Ciraaq.
Dhaqaatiirtu waxaa ay sheegeen in Caafimaadka hooyada iyo Carruurtuba uu aad u fiicanyahay,kuna suganyihiin negaasho.
